2169 Views

Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta Oo Soo jeediyay in Xariirka Loo Jaro Mareykanka

Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta Oo Soo jeediyay in Xariirka Loo Jaro Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 10, 2017 –Go’aanadii kasoo baxay shirkii wasiiradda arrimaha dibbadda Jaamacadda Carabta ayaa lagu soo daray in dawladaha Carabtu ay xanibaad dhaqaale saaraan dawlada Maraykanka haddii ay ka noqon aqoonsashada magaalada Qudus u aqoonsadeen caasimada Yahuuda.

Wasiirka arrimaha dibbadda dalka Lubnan Gebran Basiil ayaa sheegay inuu u soo jeediyay dawladaha Carabta inay qaataan go’aan adag oo ka dhan ah xukuumadda uu hogaamiyo Donald Trump si cadaadis loogu saaro inuu ka laabto in Qudus u aqoonsaday caasimada Israel.

Wasiirkaan waxaa uu sheegay in shirkii wasiiradda arrimaha dibbadda ee Qahira ka dhacay lagu soo hadal qaaday suurto galnimada in dawlada ku jira jaamacadda Carabta ay xiriirka dhaqaale u jaraan Maraykanka oo ay xanibaad dhaqaale saaraan.

“Kulankeenii deg dega ahaa waxaan go’aanada kusoo darnay inaan qaadano go’aan ah inaan cuna qabatayn dhaqaale saarno Maraykanka  si ay aan uga hortagno inay Qudus siiyaaan Yahuuda” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibbadda Lubnan Gebran Basiil.

Sidoo kale wasiiradda arrimaha dibbadda dalalka Masar iyo Qatar ayaa iyana sheegay inay qaadayaan tilaabo kasta oo ay Maraykanka cadaadis ku saari karaan.

Xog’hayaha guud ee ururja jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyt ayaa sheegay in cawaaqib aan la mahdin uu ka dhalanayo go’aankii uu Arbacadii hore qaatay M/weynaha Maraykanka waxaana uu golaha amaanka ee Q,M ka codsaday in go’aankaasi diidaan.

Abul Qeyt waxaa uu xusay in Qudus ay u aqoonsanyihiin Caasimada Falastiin.

Shirkaan oo wasiiradda ka qeyb galay uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar waxaa sidoo kale go’aanada kasoo baxay ka mid ah in laga digay in halis badan ka imaan karto haddii safaaradda Maraykanka loo raro magaalada Qudus.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment