2397 Views

Madaxweyne Muuse Biixi oo berri xilka la wareegaya

Madaxweyne Muuse Biixi oo berri xilka la wareegaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 12 2017 —-Diyaargarowga Munaasibadda xil wareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa ka socota Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo ka mid ah Guddiga qabn qaabada xil wareejinta ayaa sheegay in Dad ka badan 1,500 Qof ay ka qeybgeli doonaan munaasibadda maalinta berri ah lagu dhaarinayo madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa ku soo baxay doorasho ay natiijadeeda diideen qaar ka mid ah axsaabtii Tartanka ka qeybgashay hayeeshee markii dambe tanaasulay.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in maalinta Berri oo Arbaco ah ay dhici doonto xil wareejinta islamarkaan madaxweynaha xafiiska ka tagaya uu la wareejinayo dhamaan Dukumiintiyada Maamulka ee gacantiisa ku jira.

Somaliland ayey doorashada madaxtinimada ka qabsoontay 13kii November ee Bishii la soo dhaafay waxaan 30 Cisho kaddib talada la wareegaya Madaxweynaha la doortay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment