2079 Views

Janaraal Diini Oo ka Digay dhibta Ka dhalaneysa Lacagaha Mareykanku ka jarayo Milatariga Somaliya.

Janaraal Diini Oo ka Digay dhibta Ka dhalaneysa Lacagaha Mareykanku ka jarayo Milatariga Somaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 15 ,2017 —Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya ayaa ka hadlay saameynta ay keeneyso go’aanka Mareykanka uu ku sheegay inuu ku joojinayo Saadka uu siin jiray Ciidanka xooga dalka Somaliyeed.

Janaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegay in hadii uu dhaqan gal noqdo Go’aankaas uu saameyn weyn ku keenayo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaalka Ciidanka xooga ay ugu jiraan iney amniga dalka kala wareegaan Amisom marka ay dalka isaga baxaan.

Saadka uu bixiyo Mareykanka ayuu Janaraal Diini sheegay inaan la wada siin Ciidanka Milatariga balse kaliya la siiyo Ciidamada xooga dalka ee ku kala sugan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxda Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada ayuu usoo jeediyay iney iska arkaan Warbixinta Mareykanka ka soo baxday ee lagu daabacay Wakaalada Wararka ee Reuters oo aan la yareysan, waxa uu soo hadal qaaday in Ciidamada qaar ee lacagahaas la siin jiray ay yihiin Maleeshiyaad sida ku xusan warbixinta Mareykanka ka soo baxday.

Ciidamada ku kala sugan Labada Shabelle ee lacagahaas hela ayuu Janaraalka tilmaamay inuusan kujirin ruux aan Askari eheyn, Labadaas Gobol ayuu sheegay in laga difaaco Caasimada Dalka oo sidoo kale saldhig u ah Dowladda Dhexe.

Ugu Danbeyn Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya waxa uu soo jeediyay in isla xisaabtan dhab ah loo baahanyahay in laga sameeyo halka ay ku baxdo lacagaha tirada badan ee Mareykanku bixiyo, taa badalkeedna aysan habooneyn in Jawaab looga dhigo in mar kaliya la jaro Saad ay ku noolaayeen Ciidamada furimaha hore ee dagaalka kujira.

Waaxda arrimaha dibbada Maraykanka waxay aaminsantahay in si sax aheyn loo maamulay saadka loogu talo galay ciidamada xooga Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment