2271 Views

Xildhibaano xalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha iyo dalab ay wateen oo lagu diiday

Xildhibaano xalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha iyo dalab ay wateen oo lagu diiday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 18, 2017 – Iyadoo maalintii labaad gacanta dowladda federaalka uu ku jiro siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo habeen hore ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ka soo qabteen Hoygiisa ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubno ka tirsan labada Aqal ee dowladda waxaa ay ku dalbeen in la sii daayo siyaasiga.

Xildhibaannadan oo laga soo doortay Galmudug ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah oo u badnaa cambaareyn iyo baaq degdeg ah oo loogu jeediyay Madaxda dowladda in la sii daayo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan C/xakiin Macalin Xasan ayaa markii uu kulankooda soo dhamaaday kaddib Warbaahinta u aqriyay qodobadii ay isku afgarteen, isaga oo sheegay in ay cambaareynayaan weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waxaan cambaareynaynaa weerarkii loo geystay Guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, weerarkaas oo Lix ruux oo isugu jiry gabar iyo 5 wiil ku dhinteen, oo aan waxba galabsan, Saddex qof oo Cabdiraxmaan ku jira lagu dhaawacay, isagoo dhaawac aha xabsiga loo taxaabay”ayuu yiri Xildhibaan Cabdixakiin.

Xildhibaanka ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen NISA ay aheyd mid sharci darro ah iyo khalad siyaasadeed.

“Weerarka gurigiisa lagu qaaday, oo ay NISA qaaday sida naloo sheegay, booliiska xagiisa aan ka imaanin, waxaa ay u arkeen Xildhibaannadu in ay tahay sharci-darro, in ay tahay khalad siyaasadeed, in xuriyadda ra’yiga, in uu cabiro ra’iyigiisa iyo sida uu aaminsan yahay, aragti ka soo horjeeda oo qaldan ayey u muuqatay, Xildhibaannada waxaa ay codsanayaan in Cabdiraxmaan xuriyadiisa dib loogu soo celiyo, sida ugu dhaqsiyaha badan”ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxaa ay ka soo horjeesteen go’aankii ku dalbaday xeer Ilaaliyaha Qaranka in Xasaannada lagala noqdo labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu eedeeyay danbi ah ‘’Qaran Dumis’’

Dowladda Soomaaliya oo maalintii shalay ka hadashay xariga Siyaasiga ayaa sheegtay ilaaladii ku sugneyd guriga siyaasiga is hortaag ku sameeyeen amar ay ciidamada u qabeen in ay baaraan guriga, taasoo keentay ayeey sheegeen in uu halkaa iska horimaad ku dhaxmaro labada dhinac.

Laamaha Amniga ayaa intaa ku darray in Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhawaan la horgeyn doono maxkamad.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment