4137 Views

Sawiro:-QM Oo Bilowday In ay Qaxootiga Ku Sugan Libya Diyaarado Ku Geyso Talyaaniga

Sawiro:-QM Oo Bilowday In ay Qaxootiga Ku Sugan Libya Diyaarado Ku Geyso Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 23, 2017 Qaramada Midoobay ayaa bilowday inay diyaarado uga qaado qaar ka mid ah qaxootiga Afrikaanka ah ee ku jira xeryo ku yaal dalka Libya,kuwaasoo ay ururada u dooda xuquuqda aadanaha ay ku tilmaameen in lagula dhaqmo si ka baxsan bani’aadananimada.

Diyaarad Milatari oo ay ciidamada Talyaanigu leeyihiin ayaa ka dejisay qaxooti gaaraya 110 garoon diyaaradeed ku yaal meel ku dhow caasimada Talyaaniga.

Qaxootiga laga duuliyay dalka Libya ayaa isugu jirey haween iyo carruur waxaana la filayaa in konton kale loo duuliyo wadanka Talyaaniga.

Dadkan qaxootiga ah ayaa waxaa ka mid ahaa carruur aad u da’ yar kuwaasoo lagu daboolay bustooyin waxana ay gaareen dalka Talyaaniga maqribtii caawa iyadoo qabow badana uu jiray.

Qaxootiga maanta la geeyay dalka Talyaaniga ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan wadamada Somalia, Eritrea, Ethiopia iyo Yemen.

“Waxaan dhabtii rajeyneynaa in qaxooti ka soo jeeda wadamo kale ay sidan oo kale loogaga soo qaado dalka Libya.” Vincent Cochetel, ergeyga gaarka ah ee UNHCR wakiilka uga ah Bartamaha Mediterranean ayaa ku sheegay war uu soo saaray kadib markii ay diyaaradii sidey qaxootiga ay gaartay wadanka Talyaaniga.

Ergeygan ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaxootiga maanta loo duuliyay Talyaaniga ay xaalad adag ku noolaayeen, shan ka mid ah haweenka qaxootigaana ay ku umuleen xarumaha ay ku xirnaayeen iyagoo aan helin gargaar caafimaad.

Hay’ada Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR ayaa ku qiyaastay in dad gaaraya 18,000 ay ku xiran yihiin xarumo ay maamusho dowlada Libya waxayna qorsheyneysaa hay’adu in toban kun oo qaxooti ah inay ka daadgureyso dalka Libya sanadka soo socda.

Qaxootigan ayaa waxaa guryo ay degaan siinaya Kaniisada Katooliga Talyaaniga inta ay ka helayaan degenaansho rasmi ah.

Soo galootiga imanaya dalka Talyaaniga ayaa hoos u dhacay tan iyo bishii July ee sanadkan marka lala barbardhigo tiradii sanadkii hore,waxaana loo sababeynayaa in hoos u dhacan uu ku yimid kadib markii xukuumada uu UNku taageero ee ka dhisan Libya ay ku qasabtay mukhalisiinta jooga magaalada Sabratha inay joojiyaan doonyaha ay dadka ku rarayaan.

Boqolaal kun oo qaxooti ah ayaa ka cararay dagaalada iyo saboolnimada ka jirta qaarada Afrika waxana ay ku xayiran yihiin dalka Libya halkaas oo ay rajeynayeen inay lacag siiyaan mukhalisiin kadibna galaan qaarada Yurub iyagoo sii maraya dalka Talyaaniga.

Waa markii ugu horeysay ee hay’ada u qaabilsan qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) ay ka daadgureeyaan dalka Libya qaxooti ayna geeyaan dal ku yaal qaarada Yurub.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment