2451 Views

Jawaari Oo Baydhabo Ka Furay Shirka Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada

Jawaari Oo Baydhabo Ka Furay Shirka Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 26, 2017 –Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaa ka furmay Shirka u dhaxeeya Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Shirkaan, ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana ka qaybgalaya Gudoomiyeyaasha Golaha Sharci dajinta ee Maamul Goboledyada.

Ujeedada Shirkaan ayaa la sheegay inay tahay xoojinta xiriirka u dhaxeeya Gudoonka Golaha Shacabka Iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira Baarlamaanadooda.

Wuxuu socon doonaa Shirka muddo Saddex cisho ah, waxaana lagu gorfeyn doonaa, qaabka ay ku wada shaqeyn karaan Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Iyo Gudoonka Golaha Shacabka.

Gabagabada shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ay ku cad yihiin hanaanka wada shaqeynta Gudoonka Golaha shacabka iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dalka.

Waa Shirkii ugu horeeyay ee noociisa ay isugu yimaadaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyayaasha Barlamaanada Maamul Goboledyada dalka ka jira.

EEEEEEEEEEEEEEWWWW EEEEEEEEEEEEEEWWWW

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment