2250 Views

Guddoomiyaha Lamu oo dalbaday in la hubeeyo shacabka

Guddoomiyaha Lamu oo dalbaday in la hubeeyo shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL January 02. 2018–Guddoomiyaha Gobolka Xeebta ah ee Lamu sidoo kalena sohdinta la wadaaga Soomaaliya Dhadho Godhana,ayaa dowladda dhexe ee Kenya ka dalbaday in ay  hub iyo rasaas farabadan siiso dadka shacabka ah si ay isaga celiyaan Al-shabaab.

Dhadho Godhana, oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen dadka degaanka ayuu ka sheegay in dadka deggan degaannada kulaala keynta Booni ee Waqooyi Bari Kenya  ayuu dowladda ka codsaday in ay tallaabadaas qaaddo.

Waxaa uu sheegay in dadka ku nool Lamu,Tana River,Gaarisa iyo meelo kale ay la derseen cabsi joogto ah oo ay kala kulmaan Al-shabaab.

Sidoo waxaa uu xusay in ay bateen dambiyada degaanka ka dhacaya waxaana uu dowladda ugu baaqay in ay hub siiso shacabka degaannadaas oo uu sheegay in ay iska celin karaan Al-shabab  marka ay weerarada dhacayaan ee aysan Ciidamada dowladda joogin degaannadaas

Waxaa uu tusaale u soo qaatay saldhigyada Booliska ee Ijaara iyo Gaarisa oo uu sheegay in Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen,islamarkaana hub iyo saanad kaleba ka gurteen.

Waxaa  yiri “haddii shacabka hub heysan lahaa AL-shabaab waa ay ka difaaci lahaayeen degaannadooda,waxaa ay la noolyihiin cabsi aan dhaafin,taasna looma dulqaadan karo”.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment