1965 Views

Al-Shabaab Oo la Wareegay Wegaanada Goofgaduud, Abuurey iyo Daynuunay ee Gobalka Bay.

Al-Shabaab Oo la Wareegay Wegaanada Goofgaduud, Abuurey iyo Daynuunay ee Gobalka Bay.
____________________________________________________________________________

Baay  | QOL | 16 January, 2018 –Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamo Ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo saaka lagu hor-istaagay agagaarka deegaanka Mareergur oo bar koontarool ay ku leeyihiin Ahlusuna ayaa loo ogolaaday inay galaan Dhuusa Mareeb.

Ciidamadan oo ka soo ambabaxay degmada Cadaado oo uu Madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay ayaa markii hore loo diiday inay galaan Dhuusamareeb.

Hase ahaatee Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin ka yimid dhanka Dhuusamareeb ayaa ka qeyb qaatay sidii loo fasixi lahaa ciidamadan, waxaana wada hadalo kaddib lagu guuleystay in ciidamadan ka soo gudbaan Mareergur.

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee Koofiyo-casta oo wata dhowr gaadiidka dagaalka ayaa goor dhow gaaray Dhuusa Mareeb, waxaa la geeyay xarunta uu degi doono Madaxweyne Farmaajo ee looga diyaariyay Dhuusa Mareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta uu gaaro magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo lagu wado inuu ka dhaco shirka lagu mideynayo Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada Ahlusuna ay sugayaan amniga guud ee magaalada oo ay ku soo fool leeyihiin Madaxda dowladda Dhexe iyo kuwa mamul goboleedyada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Cadaado 

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment