1782 Views

Mareykanka iyo Canada Oo Ku baaqay in La Dhaqangaliyo Cunaqabataynta K/Wuqooyi

Mareykanka iyo Canada Oo Ku baaqay in La Dhaqangaliyo Cunaqabataynta K/Wuqooyi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 January, 2018 –Wasiirka arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, oo marti galisay shirkan oo ka dhacay Vancouver, ayaa sheegtay in aysan iska indha tiri Karin iyada oo khatarta Niyukleerka Kuuriya Wuqooyi ay sii kordhayso.

Dhigeeda Mareykanka, Rex Tillerson, ayaa sheegay in ay muhim tahay in wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay si buuxda u dhaqan galiyaan cunaqabataynta gaar ahaan Shiinaha iyo Ruushka.

Kulankani kama qaybgalin madaxda wadamada Ruushka Iyo Shiinaha.

Dhanka kale saraakiil ka kala socota labada Kuuriya ayaa waxay kulan ku yeesheen xudduuda militariga ka caagan .

Labada dhinac waxa ay wadahadalo dheeraad ah ka yeesheen sidii Kuuriyada Waqooyi ciyaartooy ka socota uga qayb gali lahaayeen ciyaaraha xilliga qaboobaha ee lagu qaban doono Kuuriya Koonfureed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment