3540 Views

Sheekh Horre Loogu Dilay Mombasa Oo Maanta Xaaskiisa 10 Sano Lagu Xukumay

Sheekh Horre Loogu Dilay  Mombasa Oo Maanta  Xaaskiisa 10 Sano Lagu Xukumay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 February, 2018 —Maxkamad ku taalla Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa toban Sano oo xabsi ah ku ridday Xaaska Imaam lagu magacabi jiray Sheekh Cabuudi Roobow Maxamed oo 2012kii lagu dilay Magaalada Mombasa

Xaaska Rooboow oo lagu magaaco Hani Sagaar,ayaa lagu xukumay 10 Sano oo xabsi ah iyada oo loo heysto in ay xiriir lalahayd rag  weerar ku qaaday Saldhigga Booliska Mombasa.

Weerarkaas kooxdii weerartay waxaa ay saldhigga ku dhexdileen Saddex Gobadhood oo kala ahaa Tasniib Yacquub,Ramla C/raxmaan Xuseen iyo Muumino C/Raxmaan.

Xaaska Sheekh Roobow ayaa lagu eedeeyay in Ragga weerarkaas fuliyay ay u fududeysay weerarka,iyada oo xukunka Maxkamadda ee tobanka sano ahna lagu sheegay in uu ka dhashay eedaha lagu helay.

Haweeneydan ayaa markii la xirayay waxaa lala qabtay Saddex Haween ah oo kala ah, Luul Cali Tahli, Nasteexo Cali Tahli iyo Zamzam Cabdullahi,kuwaas oo la sii daayay kaddib markii ay Maxkamadda dambi ku weysay.

Eedaha kale ee Haweenydaas lagu helay waxaa ka mid ahaa in lacag ay u dirtay ilo ka mid ah argagixisada islamarkaana la helay duminitiyada lacag diridda ee ay sameysay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment