2019 Views

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Oo Ka Qeyb qaatay Dhexdhexaadinta ONLF iyo Itoobiya

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Oo Ka Qeyb qaatay Dhexdhexaadinta ONLF iyo Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19  February, 2018–Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay  in Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedyadu ay yihiin Ciidamo Qaran oo la xuquuq ah Ciidamada SNA lana hawlgali kara Ciidamada AMISOM iyo SNA ama kaligood samayn kara howlgalo lagu qaado  Al-Shabaab.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo uu ka warbixiyay shirar uu kaga qayb galay Magaalada Nairobi isagoo xusay in ay shirarkaas ahayeen kuwo lagaga hadlayay sidii loo dhamayn lahaa xaalado mudo badan ka taagnaa Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya isla markana saamayn toos ah ku lahaa Soomaalida kale.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shirarkaas ay muhiim u yihiin Soomaalidu in ay door ku yeelato oo ay mustaqbalka aragti iyo tilmaan howlahaas kaga qayb qaadato Sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa gobolka Geeska Afrika loona dhamayn lahaa mushkiladaha wali gobolka ka jira.

Wuxuu rajo Wanaagsan ka muujiyay in wax walba ay sidii loogu tala galay ku socdaan isla markana ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku hirgalayaan qodobadii laga wada hadlay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment