2310 Views

Maxaabiis Shabaab ah Oo ka Baxsatay Xabsi ku yaalla Garowe

Maxaabiis Shabaab ah Oo ka Baxsatay Xabsi ku yaalla Garowe
____________________________________________________________________________

Garoowe  | QOL | February 27, 2018 – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Garowe ee caasimadda Puntland 10 Dhalinyaro Maxaabiis aheyd oo lagu soo qabtay Dagaalkii Shabaab ayaa waxa ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla magaaladaasi oo ay ku jireen.

Tobanka Dhalinyarada ah ayaa la sheegay in mid ka mid ah Ciidamada ammaanka ay dib u soo qabteen, kadib baaritaano ilaa shalay ay wadeen Ciidamada Puntland gudaha iyo hareeraha magaalada.

Sarkaal u hadlay Ciidanka Puntland ayaa wuxuu sheegay inuusan kala cadayn karin in carruurtaas Shabaabka ahaa si ula kac ah ooda looga qaaday ama inay iyagu baxsadeen, waxaase uu cadeeyay inay hayaan hal qof oo looga shakisan yahay inuu ka mid ahaa Maxaabiista oo ciidamadu soo qabteen.

Dhalinyaradan ayaa Ciidamada Puntland waxa ay ku soo qabteen Dagaaladii Garmaal, Suuj iyo Garacad ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo xoogaga ururka Al-shabaab, horaantii 2016-kii.

Xaruntan ay ku xareysanaayeen ayaa waxaa amnigeeda u xilsaaranaa Ciidanka Asluubta Puntland, lamana oga sababaha keenay baxsashadooda.

Dhalinyaradan ayaa Puntland horey ay u saartay Maxkamad Ciidan taasi oo ku xukuntay sanado kala duwan oo dhaqan celin, maadaama qaarkood aysan aheyn qaangaar, halka kuwii dhaafay qaangaarka lagu riday xukuno kala duwan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment