2247 Views

Sawiro:- Haweeney ka tirsan Senetka Maraykanka oo ku dhex umushay xafiiskeeda

Sawiro:- Haweeney ka tirsan Senetka Maraykanka oo ku dhex umushay xafiiskeeda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 10, 2018 – Senatarad Tammy Duckworth oo 50jir ah aya gabar ku umushay Xafiiska, waana haweeneydii ugu horreysay ee ka tirsan Aqalka Senedka Maraykanka ee umusha, iyadoo weli joogta Xafiiska.

Tammy Duckworth oo horey u ahayd Duuliye ka tirsan Milliteriga Maraykanka waxay labadeeda lugood ku weyday, markii ay Diyaarad Helikopter ah kula burburtay dalka Iraq sannadkii 2004-tii.

Haweeneydaasi oo ah Mudane ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doortay Gobalka Illinois waxay Barteeda Twitter-ka soo dhigtay inay gabadha ay umushay ugu magac dartay Maile Pearl Bowlsbey oo ahayd Eedadii ninkeeda, taasi oo Kalkaaliye Caafimaad ku shaqeyn jirtey muddadii uu socday Dgaalkii 2-aad ee Adduunka.

Sidoo kale, Tammy Duckworth waxay Twitter-keeda ugu mahad celisay Qoyskeeda iyo Kooxda Caafimaadka

Haweeneydaasi waxay cunugeeda 2-aad dhashay sannadkii 2014-kii, xilligaasi oo ay ka shaqeynaysay Aqalka Wakiiladda ee Maraykanka (The US House of Representatives)

01 02 03

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment