693 Views

CC Shakuur oo ka fakaday shirqool wax u dhimi karay musharaxnimadiisa M/Weyne

CC Shakuur oo ka fakaday shirqool wax u dhimi karay musharaxnimadiisa M/Weyne
____________________________________________________________________________


Talaado: february 15, 2022

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shalay loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo sidoo kalena ah musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, ayaa culeys xoogan kala kulmayey Villa Somalia, oo ay sanadihii dambe si weyn isku hayeen.

Villa Somalia ayaa si weyn iskugu dayday inay dhaafiso kursiga uu ku guuleystay Cabdiraxmaan, ayada oo shaqsiyaad magac leh u diyaarisay inay isku soo taagan tartanka, kuwaas oo markii dambe ku haray rabitaanka beesha iska leh kursigaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha musharixiinta mucaaradka ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey doorashada, inkastoo uusan gelin tartan adag.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug, Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd Cabdiraxmaan ayaa ka tanaasushay tartanka, kadibna waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, isaga oo helay codad gaaraya 86 cod oo ah dhammaan ergada soo xaadirtay.

Dad badan ayaa is weydiinayay in Cabdiraxmaan kursi ka soo heli doono Dhuusamareeb, hadii Cabdiraxmaan uu soo waayi lahaa kursiga beeshiisa ee golaha shacabka waxay caqabad weyn ku noqon laheyd damaciisa Villa Somalia iyo halgankii waqtiga dheeraa ee siyaasadda, taasi oo ay rabeen kooxda Farmaajo.

Way adkaan laheyd inuu gado dood ah inuu hoggaamin karo Soomaali, haddii uu jufadiisa hoose kasoo weyn lahaa kursi xildhibaan, taasi oo ka sokow xilka madaxweyne dhaawici laheyd sumacaddiisa guud.

Balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu kursiga kusoo qaatay si sharaf leh oo weliba la dhihi karo wuxuu yahay musharaxa xildhibaan ee kaliya ee isaga oo aan ka tegin mabda’iisa kursi kasoo qaatay madal ay ku xoogan yihin cadowgisa.

Inkastoo waxa hadda dalka ka socda aan doorasho lagu qeexi karin, hadana inaad kasoo dhex-baxdo mashruucaan doorashada shabaha ama aad ku dhacdo, waxay labadaas dadweynuhu u qaadan karaan qiimeyn toos ah.

Si kastaba, Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dardar ku socota, waxaana uu qorshuhu yahay in lasoo gaba-gabeeyo 25-ka bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post