Arbaco: August 25, 202
Haweenka shaqeeya ee ku nool Afghanistan ayaa lagu amray inay guryaha joogaan ilaa laga sameynayo qorshe lagu hubinayo ammaankooda, sida uu weriyeyaasha u sheegay afhayeen u hadlay Taliban.
“Waa hannaan ku meel gaar ah,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid.
Taliban, oo soo rogtay shuruuc adag markii hore ee ay heysay talada Afghanistan kahor 2001, ayaa sagaal maalmood kahor gacan buuxda ku dhigay dalkaas.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay jiraan warar “la isku halleyn karo” oo tibaaxaya tacaddiyo ay Taliban geysteen, sida xayiraado ay ku soo rogeen haweenka.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________