Isniin: December 6, 2021
Agaasimaha Tacliinta Sare, ahna kusimaha agaasimaha guud ee Wasaarada Hiddaha Tacliinta Sare Dowlada Federaalka ee Sooomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa furay kulanka ansaxinta Siyaasadda Qaran ee Quudinta Dugsiyada.
Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasaaradda Caafimaadka, Hay’adaha taakuleyo waxbarashada, iyo Hey’adda Caalamiga ah ee Cuntada Aduunka (WFP), Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarashada Hirshabeelle, koofur-galbeed iyo Agaasime waaxedyo ka-kala socday Maamulada Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir,
Sidoo kale Kulanka ayaa kuso dhammaaday jawi xasiloon waxaana ugu danbeyntii si buuxda loo ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Quudinta Dugsiyada.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________