Muqdisho | QOL | 9 July 2017 —Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddi qaran oo taakuleynta Ciidamada, kaddib munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Gen. Kaahiye, kaasoo dhaqaale loogu uruurinayay Ciidamada qalabka sida.
Madaxweynaha ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga taakuleynta Ciidamada Jen, Jaamac Maxamed Qaalib, halka Guddoomiye kuxigeen uu ka dhigay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyeyaasha Cidiamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.
Farmaajo ayaa ku baaqay in la taageero ciidamada qalabka sida, isagoo xusay in ciidamada ay har iyo habeyn difaac ugu jiraan qaranimada Soomaaliya.
Intii munaasabada socotay ayaa waxaa la uruuriyay lacago deeq ah oo loogu tala galay ciidamada qalabka sida, waxaana dadkii lacagahaas ku yaboohay ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo sheegay in Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ay ku yabooheen lacag dhan 8-kun oo doolar.
Sidoo kale Xildhibaan Canab ayaa iyana munaasabada ka sheegtay inay ku yaboohday lacag dhan kun dollar.
Barnaamijka taakuleynta Ciidamada ayaa qeyb ka ah qorshe la doonayo in mushaar joogta ah u helaan ciidamada, iyadoo la sameeyay Akoon u gaar ah Guddiga.
W/Q:-Bashiir Barre Ali
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________