Muqdisho | QOL | January 21, 2018 – Magaalada Bankok ee Dalka Thailand waxaa ay ka mid tahay meelaha dadka Caalamka ay tahriibka ku tagaan waxaana dadka halkaasi taga ka mid ah Soomaalida.
Hadda nolosha dadka ku jira Xeryaha Qaxootiga ee Bankok ayaa aad u liidata iyada oo tiro Soomaali ah oo ku nool halkaas ay aad uga cabanayaan waxaa ay ku sheegeen dhibaateyn iyo casbi gelin badan oo ay la kulmayaan.
Soomaalida iyo Qaxootiga kale ee ku sugan Bankok ayaa hadda wajahaya nolol adag,waxaana ay la kulmayaan cabsi gelin uga imaneysa Dadka dalkaas,iyada oo xeryaha ay degganyihiinna dejisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.
Qof Soomaali ah oo magaciisa laga dhigay RK, sidoo kalena Xaas iyo hal Gabar ku heysta Bankok,ayaa u sheegay Al Jazeera in ay dhibaato ku qabaan nolosha Bankok oo ay cabsi gelin u dheertahay.
4,500, oo Qof ayaa ku jira xero Barakac oo ku taalla Bankok,waxaa kale oo kual sugan 2000 oo Qof oo magangalyo doon ah,kuwaas oo ka kala tagay in ka badan 50 Dal.
RK,waxaa uu sheegay in uu Muqdisho ka cararay saddex Sano ka hor kaddib markii aabbihii ay Qarax gaari ku dileen Al-shabaab,waxaa uu sheegay in $2,000 oo doollar uu siiyay muqallasiin ka soo qaadday Kuala Lumpur,Malaysia.
Thailand ka mid ma’aha 191ka dal ee saxiixay xeerta Qaxootiga Caalamka,mana kala taqaanno Qaxooti,magangalyo doon iyo soogalooti sharci darro ah,sidoo kale xeerka socdaalka Thailand ma damaanad qaadayo dadka socdaalka ah,taas oo meesha ka saareysa xuquuqda dadka socdaalaya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________