Mogadisho –January 18, 2020—Shirka Iskaashiga Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Puntland ayaa ka furmey Madaxtooyada Boosaaso.
Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si wadajir u furay shirka.
Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha dib u eegista Dastuurka, Sharciga Batroolka iyo Doorashada 2020/2021.
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Wasiiro kala socda labadda maamul iyo qaar ka mid ah Waxgaradka Puntland.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________