3183 Views

Shaqaalaha Hey’adda Nile Organization oo bilaabay inay Muqdisho ka baxaan.

Shaqaalaha Hey’adda Nile Organization oo bilaabay inay Muqdisho ka baxaan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 22, 2016: Hey’adda Nile Organization, ayaa qaar ka mid ah Shaqaalaheeda ay bilaabeen inay isaga baxaan magaalada Muqdisho ayada oo maanta ku ekayd mudadii loo qabtay.

Hey’adda Nile oo ah hey’ad aan dowli aheyn ayaa magaalada Muqdisho ku leh xarumo caafimaad iyo waxbarasho, iyadoo Hey’addan ay hoos-tagto hey’ado uu leeyahay Wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee todobaadkii hore ka dhacay waddanka Turkiga.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka Deva iyo qoysaskooda ayaa maanta isaga baxay magaalada Muqdisho, iyagoo boorsooyinkooda ka xir xirtay, ayaga oo xun in ay ka tagaan Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Deva Dr. Maxamed Al Perto ayaa sheegay in Soomaaliya ay u yimaadeen in shacabka Soomaaliyeed ay caawiyaan, isla markaana u fuliyaan adeegyo caafimaad oo muhiim ah in kasto ayaga ay lagac fara badan ka heli-jiray.

“Waxaan Soomaaliya u nimid inaan caawino shacabka Soomaaliyeed, waxaa ku sugneyn muddo afar sano ah, waxaan haatan uga baxeynaa cadaadis naga soo wajahay dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Dr. Maxamed Al Perto.

Agaasimaha ayaa sheegay in shaqa kasta oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayeen ay gebi ahaanba joogsatay, taasna ay aad uga xun yihiin

Sidoo kale Dr. Halim Yilmas oo ahaa dhaqtarka kaliya ee qaabilsan dhanka Kilyaha ee joogay Soomaaliya ayaa sheegay in nasiib darro tahay in dowladda Soomaaliya ay dalka ka baxaan dhamaan shaqaalaha Nile Organization, iyadoo aan la siin waqti ku filan oo ay dalka uga baxaan, balse lagu kediyay.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku macneeyay tallaabada ay dalka uga saareen Hey’adda Nile Organization inay tahay markii dowladda Turkiga ka codsatay inay eryaan Hay’addaan.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa labo cisho ka hor la geeyay Isbitaalka Deva oo ku yaalla Dugsigii sare ee Banaadir, si aanay u dhicin bililaqo ama aan lagala bixin wixii qalab ee ku jira Isbitaalka.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay la wareegeyso isbitaalka iyo dhamana adeegyadii ay hey’adda Nile Organization ka waday magaalada Muqdisho, iyadoo Maamul cusub u soo magacaabi doonta, si dhaqsa ah.

IMG_7256IMG_7288IMG_7273IMG_7248IMG_7245

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment