Muqdisho | QOL | jJune 01, 2017——Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u jooga Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay Heshiiskii Magaalada Cadaado ay dhawaan kula saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne maamul goboleed loogu amaanay heshiiska ay kala sexiixdeen ,waxaana looga codsaday labada dhinac in ay ka shaqeeyaan in ay ka mira dhaliyaan hishiiskaas.
“Beesha Caalamka waxay soo dhoweyneysaa Heshiiska Nabadeed ay gaareen labada Madaxweyne waxaana loo baahanyahay labada dhinac in ay meel mariyaan heshiiskaas, anagana waxaan ka shaqeyneynaa in aan qeybteena ka qaadano heshiiskaas islamarkaan dhiira galino” ” ayuu yiri Keating
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________