Muqdisho | QOL | 07 August 2017—Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys ayaa Digniin adag u diray Ganacsatada iyo Sarriflayaasha , taas oo ku aadan in Lacagta Shiling Soomaaliga aysan kala sooci Karin islamarkaana ciddii lagu helo arrintaas ay muteysan doonto Ciqaab Xabsi ah.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in ay Xakameyn doonaan Lacagaha faraha badan ee soo galaya Deegaanada Maamulka Puntland .
Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa yimid xilli Caqabad xoogan muddooyinkii dambe ay ka taagneed Isticmaalka Lacagaha Shiling Soomaaliga taas oo ka dambeysay kadib markii lagu arkay deegaanada Maamulkaasi Lacago been abuur ah oo loo soo ekeysiiyay Lacagaha Shiling Soomaaliga.
Maamulka Puntland ayaana soo saaray awaamiirtaan ka gadaal markii saameyn xoogan qeybaha bulshada ay ku yeelatay Go’aanno Ganacsatadu ka qaateen Lacagahaasi Shiling Soomaaliga oo gebi ahaan ay iska joojiyeen.
Weli ma jirto wax war ah oo ku aadan Go’aanka Maamulka Puntland ee Ganacsatadu ay ka soo saareen.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________