4227 Views

C/kariin Guuleed oo u hanjabay Ahlu-sunna

____________________________________________________________________________

hhh

Muqdisho, 06 September 2015 – Madaxweynaha Maamulka Galmug C/Karin Xusen Guuleed, ayaa sheegay in xoog looga saari-doono Ahlu- sunna Gobollada Dhexe, balse hada la isku dayaayo in arinta hadal lagu dhameeyo.

Shalay mar uu saxaafada la hadlaayay asagoo ku sugan degmada Ceelbuur, ayuu ku hanjabay in magaalada Dhuusamareeb ay tahay caasimada dowlada Galmudug, hadii loo baahdana Ahlu-sunna xoog iyo ciidan looga sari-doono meelaha ay ka joogaan Gobolka.

C/Karin Guleed, ayaa intaa ku daray in aysan jirin cid ka tali karta Galmudug  oo an ahayn ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM, sidaas darted, Ahlu-sunna waxa loo qaatay in ay wan-waanta aqbalaan inta talada aysan gacanta ka bixin.

Arrinta Gobollada Dhexe way qasantahay oo mar kastoo ad moodo in xal la garay ayeey meel kale ka dilaacdaa.

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment