5316 Views

U GARGAAR: Dad uu ku habsaday xannuun aan noociisa la garanayn oo laxaad-tiray… Daawo

U GARGAAR: Dad uu ku habsaday xannuun aan noociisa la garanayn oo laxaad-tiray… Daawo
____________________________________________________________________________

GABILEY | October 1, 2015 | “Afar qof oo isku Qoys ah oo dhamaantood uu Laxaadka ka fadhiisiiyey Xannuun dalka waxba lagaga qaban kari waayey”…Halkan  ka daawo Barmaamuj laga diyaariyey:

 

Sharaxaad kooban iyo Macluumaad

Gabiley-Alle dartii u Caawi Qoyska Ilma Cismaan Cabdi oo uu asiibay Xannuun aan noociisa la garanayn oo Laxaad-tiray, qoyskaasoo sida ay sheegeen Xannuunka ku dhacay waxba lagaga qaban kari waayey dalka gudihiisa, dhakhaatiirtuna kula taliyeen inay Caafimaad dibadeed raadsadaan.

Qoyskan oo kooban afar qof oo walaalo ah, dhamaantoodna uu asiibay Xanuunka aan noociisa la xaqiijin oo laxaad tiray, ayaa ku nool nolol aad u qalafsan oo ay u dheertahay wel-wel iyo walbahaar Caafimaad daro oo uu sababay Xanuunka ku dhacay oo sida ay sheegeen markii hore kaga dhacay Laxaadka qaarka dambe, kaddibna ku fiday lafaha ugu muhiimsan Jidhka, siiba laf-dhabarta xidhiidhisa qaab-dhismeedka iyo awoodda qofka.

Sahal Cismaan Cabdi waa Masuulka qoyska, waxa ka weyn Axmed Cismaan Cabdi oo ah Aabbe dhalay siddeed Carruur ah oo ka fayoow Cudurkan Laxaadka ka fadhiisiiyey, isna waxa uu dhalay Laba Carruur ah, waxaanay leeyihiin Xaasas. Labadan Nin ee Qoyska ugu waaweyn waxa hoos uga yar Maxamuud Cismaan Cabdi iyo Gabadh magaceeda la yidhaahdo Aamina Cismaan Cabdi.
Maxamuud Cismaan Cabdi oo ah 35 jir Dhul-yaalla oo uu Maskax ahaan iyo jidh ahaanba naafeeyey Xanuunku, ayaa waxa uu cudurkani haleelay isagoo 15 jir ah, iyadoo uu xidhay Hadalkii iyo hugunkii, isla markaana dhaawac dhinaca Maskaxda ah uu u geystay, sida ay sheegtay Hooyo Caasha Aw Jaamac Xirsi oo ah Hooyada dhashay afartan ruux ee Naafada ah iyo Gabadh Shan sanno ka hor u dhimatay Xanuunkan. Fadlan hadaad Caawin karto kala xidhiidh Telefoonada hoos ku qoran:

qoys-wada-naafo-ah-1 qoys-wada-naafo-ah

.
Sahal Cabdi Cismaan: 0634660222 Telesom
// // //: 0659970080 Somtel
Aamina Cabdi Cismaan: 0659113202 Somtel
Ama Magaalada Gabiley oo ay degenyihiin

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment