3513 Views

Saraakiil iyo mudanayaal ku jira guddiga amniga Baarlamaanka oo tababar ugu furmay Kambala

Saraakiil iyo mudanayaal ku jira guddiga amniga Baarlamaanka oo tababar ugu furmay Kambala
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23 October 2015 – Xubno ka tirsan guddiga amniga ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Dalka ayaa tababar ku saabsan la dagaalanka falalka ay geysan karaan kooxaha argagaxisada ah ayaa uu ugu furmay magaalada Campala ee dalka Uganda.

Tababarkani oo lagu gorfeynayo dhibaatada baahalnimada ah ee Argagaxisada aan uga baranay iyo sida looga hortago iyo ciqaabta la marinayo, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,Saraakiil ka socota hey’adaha Ammaanka Dalka,Garyaqaanka guud,Saraakiil dhinaca sharciga ah ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ka socday.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Ee Campala Cilmi Boodhari ayaa soo sheegaya in tababarkani uu socon doono mudo isbuuc ah oo lagu qaadan doono sharciyada lagu Qaadayo Aragagaxisada, waxaana ka soo bixi doono talooyin iyo qodobo la xiriira barnaamijkaasi.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment