4686 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xilka La Wareegay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xilka La Wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 02, 2015 – Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa munaasabad ka dhacday aqalka Dowladda hoose ee Xamar xilka kula wareegay xilka Guddoomiyenimo ee dhawaan loo magacaabay.

Munaasabada oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya,xildhibaanno,guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir,iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gobolka Banaadir.

Munaasabada intii ay socotay ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub, oo lagula dar daarmay inuu xoogga saaro howlaha hor-yaala Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir waxqabadka uu muujiyay mudadii uu xilka hayay, isagoo guddoomiyaha cusub ugu baaqay in isagana uu la yimaado waxqabada balaaran iyo howlkarnimo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay waxaabihii u qabsoomay maamulkiisa, isagoo ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub, lacag Bankiga Dhexe ku jirta, gaar ahaan Akoonka Gobolka, waxaana uu u mahadceliyay dadkii la soo shaqeeyay

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in uu la imaan doono waxqabad balaaran oo dhinac waliba leh uuna ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa shaqada socota.

Ugu dambeyn Guddoomiyihii hore iyo Guddoomiyaha cusub ayaa kala saxiixday Ducoment-yo muujinaya xil wareejinta, waxaana goob joog ka ahaa saxiixa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

xil-warejin-2xil-warejin-3xil-warejin-5xil-warejin-6xil-warejin-7xil-warejin-8

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment