3768 Views

Aqoonyahan ku baaqay in Ummadda ay u midowdo difaacidda dalkooda

Aqoonyahan ku baaqay in Ummadda ay u midowdo difaacidda dalkooda
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 14, 2015 — Ibraahim Faarax Bur-saliid oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa shacabka ugu baaqay in ay midoobaan si ay dalkooda uga difaacaan cadow kasta oo soo weerara.

Waxaa mudooyinkan hadal haynta ugu badan ahayd darbiga dowlada Kenya ay ka dhisayso xaduuda Soomaaliya, kaas oo aad uga caraysiisay shacabka iyo Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo si gooni gooni ah uga hadlay arrinta darbiga Kenya ay ka dhisayso xadka.

Ibraahim Farax Bur-saliid waxa uu barre ka ahaan jiray Jaaamacad ku taala dalka Kenya mar uu la hadlay Warbaahinta Qaranka waxa uu qabaa in tilaabadaan looga hortagi karo in ay u midoobaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed oo madaxdooda horkacayso si looga hortago dhismaha darbigaas.

Maalintii Arbaca ahayd ayaa baarlamaanka Soomaaliya kulan ay Muqdisho ay ku yeesheen waxa ay si kulul uga dooodeen darbiga ay dowladda Kenya ka dhisayso xaduuda ay dalkeena la wadaagto, iyaga oo sheegay in aan taas la qaadan karin waxana xusid mudan kulanka ay maanta yeelanayaana Xildhibaanada ay kaga soo saarayaan qaraar ka dhan ah darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa qoray: Ibraahim Faarax Bur-saliid

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment