3762 Views

Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhiban Saadaq Cabdikariim Maxamed

Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhiban Saadaq Cabdikariim Maxamed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 2 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, geeridii ku timid Marxuum Xildhibaan Saadaq Cabdikariim Maxamed oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamanka Soomaaliya.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Marxuum Xildhibaan Saadaq uu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon Baarlamanka, sidaa darteedna Baarlamanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu u hayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment