7371 Views

Yaa dilay Hindiya Xaaji Maxamed?

Yaa dilay Hindiya Xaaji Maxamed?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 December 2015: Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in dowladda ay gacanta ku soo dhigtay ninkii ka dambeeyay dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ninkaas ay aaminsanyihiin inuu lahaa xiiladi ka dambeysay dilkaas, isla markaana uu bixiyay Xog, waxaana uu tilmaamay in maalmaha soo socda loo soo bandhigi doono Shacbiga Soomaaliyeed.

Mudane Colaad ayaan sheegin magaca ninkan, hase ahaatee waxaa uu xusay inay rajeynayaan in dhowaan la soo bandhigi-doono

3-dii  Bisha December ayay aheyd markii Hindiya Xaaji gaarigeeda loogu xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ay u geeriyootay dhaawac ka so gaaray qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, markii ay ka soo baxday mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho.

Colaad-Rooble-280x175Allaha u naxariistee Wariye Hindiya ayaa ifka kaga tagtay 5 caruur, waxaana labo ka mid ah u dhashay Wariye Liibaan Cali Nuur oo isna u shaqeynayay Warbaahinta dowladda, kaasoo asagana sadax sano ka hor.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment