3441 Views

Jawaari “Dowladda Hoose ha lagu wargeliyo inaan lagu deg degin hantida ma guurtada Baarlamaanka”

Jawaari  “Dowladda Hoose ha lagu wargeliyo inaan lagu deg degin hantida ma guurtada Baarlamaanka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 December 2015: Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiya Baarlamaanka, ayaa maanta ka hadlayay kulankii Baarlamaanka uu lahaa maanta kaasoo warbixin looga dhageystay Guddi loo saaray arrinta Ex Xaruntii Baarlamaanka ayaa sheegay in aan la bixin karin hantida maguurtada Baarlamaanka.

Warbixin ay soo diyaariyeen Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo lagu soo lifaaqa Warqad uu qoray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax wareejin oo ku saabsan dhimsihii Xaruntii EX Baarlamaan, iyadoo la sheegay in xaruntaas uu Guddoomiyaha ka codsaday Nin Ganacsade ah inuu dayactiro, isla markaana laga suuliyo qashinka, si looga dhigo goob loo dalxiis tago.

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in xarunta EX Baarlamaan lagu wareejiyo silig, isla markaana laga ilaaliyo qashinka, si aanay mar kale u dhicin inay noqoto goob qashin qub ah
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in howsha nadiifinta Ex Baarlamaan ay iyaga qabsanayaan oo aanay cid kale u baahneyn, isagoo u mahad celiyay Shirkadda Universal oo horay iyada loo sheegay inay qashinka ka nadiifineyso, isla markaana dayactireyso

“Waxaa u mahad celineysaa sida niyadsami leh ee u ogolaatay Shirkadda Universal, laakiin waxaa u sheegeynaa in Baarlamaanka isaga xaruntiisa nadiifsanayo”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo meesha ka saaray heshiiskii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kula galay Milkiilaha Universal in dhismaha Ex Baarlamaan ay nadiifiyaan, dibna u dayactiraan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya loo baahan yahay in la ogaado hantida maguurtada uu leeyahay Baarlamaanka, isagoo tilmaamay in diiwaanka la geliyo in goobahaas amarka Baarlamaanka la’aantiis cid kale lagu wareejiyo

“Waxaa rabaa inaan meeshan ka cadeeyo in Milkilyada maguurtada ee Baarlamaanka Federaalka uu leeyahay, waa saddex goobood oo kala ah, xaruntan aan fadhino ee Golaha shacabka, Beerta Xoriyadda iyo Xarunta aan hada ka hadleyno ee EX Baarlamaan, diiwaanka hala geliyo, hana lagu wargeliyo dowladda Hoose ama Gobolka Banaadir inaan lagu talax tagin oo Baarlamaanka amar la’aantiis la bixin karin”

11-kii bishan ayay aheyd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale uu sheegay in xarunta EX Baarlamaan laga dhigayo goob loo soo dalxiis tago, isla markaana Shirkadda Universal ay gacan ka siin doonto dayactirka iyo nadiifinta xaruntii EX Baarlamaan oo ah meel bur bursan oo lagu shubo qashinka.

Si kastaba ha ahaatee tallaabada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku gaaray in howsha nadiifinta ee Xarunta EX Baarlamaanka ay iyaga qabsanayaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa, iyadoo Barnaamij Maad ah oo ka baxa Telefishinka Universal habeen hore laga soo daayo warbixin ka hadleysay Ex Baarlamaan iyo sida Xildhibaanada Baarlamaanka u dayaceen, taasoo loo arkayay mid Telefishinka danihiis ku difaacayay si qandaraas u helo.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment