6063 Views

Ninkii Daallo isku qarxiyay oo Macalin Dugsi ka ahaa Hargeysa

Ninkii Daallo isku qarxiyay  oo Macalin Dugsi ka ahaa Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho,17 February, 2016: Ruuxa la tuhunsan yahay inuu isku qarxiyay Diyaaradda Daallo bishan Febraayo 2da, ayaa la sheegay inuu Macalin ka ahaa Dugsi Islaami ku yaal magaalada Hargeysa xarunta maamulka la magac baxay Somaliland ee Waqooyiga.

 

Sida Wakaalada Wararka ee AP ay qortay, Abdullahi Abdisalam Borleh ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa ninkii isku dayay inuu diyaarada soo rido, isagoo adeegsanayay Laptop lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa oo si fudud uga gudbay meelaha laga koontaroolo Ammaanka garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Nin Imaam ka ah Masaajid ku yaala Hargeysa oo u dhow halka uu ka yimid Mr Borleh ee lagu magacaabo Sheekh Mohamed Abdullahi, ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AP inay is arkeen bishii Janaayo, isla markaana uu u sheegay inuu Muqdisho aadayo, si uu Baasaboor u soo qaato si safarkiisa ugu fududaado.

Sheekh Maxamed waxaa uu sheegay inuu ahaa nin kaftan badan oo aanu ku aqoon inuu ahaa nin Xagjir ah, isla markaana u sheegay inuu doonayo in caafimaad u aado Turkiga ama Hindiya, maadaama dhibaato xanuun ka qabay lugtiisa, mararka qaarna uu ku socon jiray bakoorad si uu u guskado

“Wuxuu u safray Muqdisho, si uu Baasaboor u soo qaato, oo uu u aado Turkiga ama Hindiya sababo caafimaad”ayuu yiri Sheekh Maxamed oo khadka taleefanka kula hadlay AP.

Sabtidii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii Diyaaradda Daallo oo ay saarnaayeen 81 ruux oo isugu jiray rakaabka diyaarada iyo shaqaalaha.

Nin ah mas’uul ka tirsan Waaxda Saadaasha Hawada, ayaa la sheegay inuu isku dubariday weerarkaas, isagoo ka soo muuqday kaamirada qarsoon ee garoonka, waxaana ninkan uu ka mid ahaa 20-ruux oo loo xiray qaraxii Diyaaradda Daallo in ay lug ku leeyihiin.

Borleh ayaa u muuqday nin caawimaad kala duwan ka helayay dhinacyo kala duwan, marka la eego sida weerarkan looga soo shaqeeyay, isla markaana aalada uu u adeegsaday qaraxa aanu u marin mashiinka wax lagu baaro ee dadka maraan.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Somaliland oo sheegay in aanu fasax u heysan inuu la hadlo Warbaahinta ayaa sheegay in indhaha ku hayeen dhaq dhaqaaqa Borleh, balse aysan marnaba ka filaneyn inuu ahaa nin qatar ah.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 50-52 loo dalbay Viso Turkish ah, isagoo laga dhigay inuu ka mid ahaa La Taliyeyaasha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara ayaa beenisay inay ninkan Fiiso u dalabtay, kadib markii la ogaaday in warqad ay u qortay Safaaradda Turkiga ku leeyahay Muqdisho, si ay ugu dalbaan Fiiso Mr Borleh, waxaana ay ku tilmaamtay warqadaas mid been abuur ah.

Baaritaanka ku saabsan Qaraxii diyaaradda Daallo ayaa wali dowladdu si dhameystiran u soo bandhigin, inkastoo loo haayo illaa 20 ruux oo u badan shaqaalaha garoonka, waxaana dowladda weerarkaas ku tilmaamtay inuu ahaa fal argagixiso ah.
Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Hargeysa ammankooda ayaa si aad ah loo adkeeyay, wixii ka dambeeyay qaraxii diyaarada, waxaana si adag loo baarayaa dadka ka soo degaya garoonka iyo kuwa ka dhoofaya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment