3972 Views

Duqa Muqdisho oo la kulmay Shaqaalaha dowladda Hoose ee Mushaarka u qaata Shiling Soomaaliga

Duqa Muqdisho oo la kulmay Shaqaalaha dowladda Hoose ee Mushaarka u qaata Shiling Soomaaliga
____________________________________________________________________________

Muqdisho,8 March 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Shaqaalaha dowladda Hoose qeybta mushaarka ku qaata lacagta Shiling Soomaaliga, kuwaasoo uu ugu baaqay inay laba-laabaan howlahooda.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka dowladda Hoose ayaa looga hadlay howlaha nadaafada iyo bilic soo celinta, iyadoo ay ka dhex muuqdeen Haweenka ka shaqeeya nadaafada Jidadka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay shaqaalaha dowladda Hoose howlaha baaxada leh ee ay hayaan, waxaana uu xusay in maamulkiisa uu ku dadaali doono mar walba sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in laga shaqeeyo amniga, nadaafada iyo soo celinta bilicda magaalada Muqdisho.

Shaqaalaha dowladda hoose ayaa isugu jira kuwo mushaar ahaan u qaata lacagta Shiling Soomaaliga iyo Doolarka, iyadoo ay ku kala sareeyaan howlaha ay kala hayaan marki loo fiiriyo tayadooda.

duqa-3-280x175

duqa (1)

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment