4383 Views

GOLAHA WASIIRADA OO MAANTA ANSIXIYEY LIX SAFIIR OO CUSUB

GOLAHA WASIIRADA OO MAANTA ANSIXIYEY LIX SAFIIR OO CUSUB
____________________________________________________________________________

Muqdisho,17 March 2016: Maanta Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yihiin abaaraha ka jira qeybo kamid ah gobollada Soomaaliya

Golaha Wasiirada ayaa maanta ku dhawaaqay isla markaana ansixiyey Lix Safiir (6) oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya u soo gudbisay, kuwaas oo kala ah:

  1.  Maxamed Xassan Cabdi (Madeer) – (DIGIL IYO MIRIFLE) – SAFIIRKA TURKEY EE SOOMAALIYA
    2. Dr. Cali Shariif Axmed – (DIGIL IYO MIRIFLE – Gaar ahaan Mirifle – Asharaaf) – SAFIIRKA FARANSIISKA EE SOOMAALIYA
    3.  Dr. Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi – Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga  Dowladii KMG – (DIGIL IYO MIRIFLE ) – SAFIIRKA KOONFUR AFRIKA EE SOOMAALIYA
    4. GEN. C/raxmaan Sheekh Ciise (BEESHA 5’AAD) – La taliyihii hore ee Madaxweynaha xagga Military –  SAFIIRKA MIDOWGA YURUB EE SOOMAALIYA 
    5. Dr. Saqaawadiin Mustafa Maxamed – (DIGIL IYO MIRIFLE – Gaar ahaan beesha Mirifle – JILIBLE) – SAFIIRKA  KENYA EE SOOMAALIYA
    6. Dr. Cabdiraxmaan Ducale Beyle ( GADABURSI – DIR) – Safiirka United Nation ee Soomaaliya.

Madaxtooyada iyo Xukuumadda ayaa maalmihii u dambeeyay isla waday qorshayaal ku saabsanaa magacaabid Safiiro gaarayay in ka badan 10-Safiiro, inkastoo haatan la soo hormariyay Lix safiir oo aan wali lagu kala qorin dalalkii ay Soomaaliya wakiilka uga noqon doonaan.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda (PFM) iyo Siyaasadda dawladda ee nidaamka shaqaalaha u xoogsi taga dalalka dibedda ee Caalamka.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment