3045 Views

Madaxweynaha iyo Odayaasha reer Hiiraan oo is mari waysan.

Madaxweynaha iyo Odayaasha reer Hiiraan oo  is mari waysan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,26 March 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Beledweyn ayaa kulamo la leh odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, si uu ugu qanciyo ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Shirkaan oo bilowday shalay gelinkii dambe ayaa waxaa uu Madaxweynuhu uu qaabilayaa odayaasha dhaqanka ee beelaha dega Hiiraan, sii uga hadlo sidii dib loogu ambaqaadi lahaa shirka maamul u sameynta oo wali caqabado ay ku hor-gudban yihiin, wana la xalli la’ayahay.

Madaxweynaha ayaa dadaal ugu jira sidii xal kama dambeys looga gaari lahaa khilaafka ka taagan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, iyadoo Odayaashu wali diidan yihiin inay tagaan shirka.

Wararka na soo gaaray, qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu qeyb ahaan ugu guuleystay dadaalada xal raadinta iyo qancinta odayaasha, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah odayaasha ay ka aqbaleen soo jeedintiisa, balse Madaxweynuhu waxaa uu balan qaaday in dib loo sixi doono wixii qaladaad ee jiray.

Laakiin Odayaasha qaar ayaa ku adkeysanaya mowqifkooda, waxaana Odayaasha dhaqanka ee uu hogaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay ku doodayaan in marka hore la qabto shir dib u heshiisiin, isla markaana gogosha shirka lagu soo celiyo Beledweyn.

Madaxweynaha ayaa maanta la balansan odayaal kale, kadib markii kulankii shalay uu ahaa mid aad u dheeraaday, isla markaana aan waxba la isku reeban.

Beledweyn ayaa waxaa dhowr jeer ku laab-laabtay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda, kuwaasoo xusul duub ugu jiray in la qanciyo Tabashada Odayaasha Reer Hiiraan, balse wali ma muuqato xal rasmi ah oo laga gaaray arrinta reer Hiiraan, haddana waa sideedi.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment