3429 Views

Ciidamada Kumaandooska oo ka fuliyay howlgal gobolka Sh/hoose

Ciidamada Kumaandooska oo ka fuliyay howlgal gobolka Sh/hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 1, 2016 General Cali baashi Abaan-duulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in howlgalo gaar ah oo ay ciidamada kumaandoorska ka fuliyeen gobolka Shabelaha Hoose ay ku dileen sarkaal ka tirsan ururka Alshabaab.

General Cali Baashi oo u waramayay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in howlgalkan ay ku dileen Xasan Cali Dhoore oo ka mid ah saraakiisha ururka Alshabaab ee u qaabilsan amniyeedka iyo weliba dagaalaalyahano kale oo ka tirsan Alshabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in horjoogahaas oo mudaba ladaba socday lagu dilay hawlgalkaan oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah utababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Horjoogahaan ayaa waxaa horay madaxdiisa lacag u duldhigtay dowladda Soomaaliya,wuxuuna Madax ka ahaa qaybta Amniyaatka ee Alshabaab oo ah kuwo fuliyay dilalka qorshaysan. Hawlgalkaan ayaa ah kii labaad oo maalmo kooban gudahood ay ay Kumaandoosku ka fuliyaan Shabeellaha hoose ayagoo mujiyay kalsooni.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment