3549 Views

Dad Soomaali ah ee lagu xiray Hindiya

Dad Soomaali ah ee lagu xiray Hindiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 18, 2016: Warar na soo gaaray ayaa sheegayaa in Booliiska dalka Hindiya ay xabsiga dhigeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi muddo ku noolaa. Howlgal ay ciidamadan ka sameeyeen xero qaxooti oo ay gacanta ku hayso UNHCR islamarkaana ay ku noolaayeen qaxootigan, ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dad soomaali u dhashay kuwaas oo kala ah Aweys Maxamuud Jaamac 31 sano jir ah, Fadhi Maxamuud Jaamac 33 sano jir iyo muwaadin kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey Axmed. Waxaa la sheegay in raggan ay dalkaasi ku iibinayeen Khaat oo isagu mamnuuc ka ah dalka India, islamarkaana ay si qarsoodi ah ugu dhex iibin jireen xerada ay ku noolaayeen. Sarkaal u hadlay Booliiska Hyderabad ayaa sheegay in hadda shaqsiyaadkan ay ku hayaan baaritaanno islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono haddii dambigaasi lagu helo. Dalka India waxaa horay xabsiyadeeda ugu jiray muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaasi oo lagu eedeeyay inay burcad badeed yihiin. Dadkaa ku xiran Xabsiyada Hindiya cid u dooday ila iyo hadda ma jirto.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment