5292 Views

Doorka haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay

Doorka haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 20, 2016: Fadhiga wada tashiga ah e ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya,  isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Wasaradda Haweenka, Xildhibaanno, qaar ka mid ururrada bulshada iyo marti sharaf kale  ayaa ujeedkiisu ahaa qaabka ay haweenka uga qabeyn qaadan karaan hanaanka siyaasadeed ee doorashada e 2016ka ka dhici doonta dalka, iyado ay Wasaaraddu soo bandhigtey afarta hanaan doorasho si ay haweenku uga doodaan.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka  oo u badnaa haweyn ayaa ku booriyey ka dowlad ahaan iyo ka haweyn in si mideysan loogu doodo  sidii haweenka Soomaaliyed ay u heli lahayen xaquuqda ay ku leeyhiin siyaasadda dalka xilli ay bilooyin kooban ka harsanyihiin xiliga kala guurka ee 2016.

Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye ayaa ku boorisay haweenkii ka so qeyb galay kulanka in ay ka wada shaqeeyaan midnimo, una dhaqaaqaan horumarka dalkooda si ay kaalin muuqata uga galaan hanaanka doorashada wadanka

Markuu kulankaasi soo idlaaday  ayaa wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xaquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya  Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada, gaar ahaan haweenka, maadaama uu ku qotomo doorka haweenka ay ku leeyihiin hanaanka siyaasadeed ee dalka.

13410380_1123296014396173_71282760_o13453019_1123296027729505_1991313851_o13453379_1123295721062869_1280803659_o13453412_1123296041062837_1183661656_o13493187_1123295834396191_1378218075_o

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment