4221 Views

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Janaasadii Marxuum Burci Xamza

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Janaasadii Marxuum Burci Xamza
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 28, 2016: Xasan Sheekh Maxamuu Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka ka qeyb galay salaada Janaasada ee lagula dukada Allaha u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamza oo ahaa Wasiiru dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee arrimaha deegaanka.

Salaada Janaasaada ayaa ka dhacday Masjid Shuhaddaa ee Madaxtooyada, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano badan.

Madaxweynaha ayaa salaadda jannaasada kadib mid mid u gacan qaadey ehelada iyo qoyska marxuumka, isagoo mar kale uga tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Burci oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Degaanka.

Ma’suuliyiintii kaso qayb galay Jinaasada ayaa waxay u duceeyeen marxuumka, waxanay Alle ugu baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, eheladii uu ka tegey iyo ummada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo Iimaan.

Marxuum Burci oo ku geeriyooday weerarkii argagixisada Al-shabaab ay ka geysteen Hotel Naasa-Hablood 25-kii Bishan ayaa lagu wadaa in maanta aas qaran loogu sameeyo Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

janaasajanaasojanasajanaaso1janaasadajanaasada1janaasada1 janaasada3janaasada4

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment