3150 Views

Madaxweynaha oo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ka dalbadey kordhinta dakhliga iyo bilicsamida caasimadda

Madaxweynaha oo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ka dalbadey kordhinta dakhliga iyo bilicsamida caasimadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 July 2016 (Villa Somalia)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casho sharaf ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa hadal uu u jeediyay guddoomiyeyaasha, waxaa uu ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay hayaan iyo horumarka ay gaareen, balse looga baahan yahay inay gaaraan horumar ka ballaaran kan ay hadda ku tallaabsadeen ee dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad dadaalka xoojisaan. Dakhliga aad uruurisaan waa inaad nidaamisaan, lana marsiiyo nidaamka maaliyadeed ee isla xisaabtanka, iyadoo la kordhinayo fulinta mashaariicda horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha’’, ayuu yiri Madaxweynaha
.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka dalbadey guddoomiyeyaasha degmooyinka inay ka shaqeeyaan bilicsamida caasimadda, maadaama Muqdisho ay tahay muraayaddii dalka.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale hadal ka jeediyay Guddoomoyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, isagoo ka warbixiyey waxqabadka maamullada degmooyinka gobolka.

md-xasan-gud-degmooyinka-2 md-xasan-gud-degmooyinka-3 md-xasan-gud-degmooyinka-4 md-xasan-gud-degmooyinka-1

.

.

.

.___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment