3273 Views

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo dib loo abuurayo

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo dib loo abuurayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 4, 2016: Warar na soo gaarayo, ayaa sheegaya in todobaadka soo socda dib loo bilaabi doono shirkii Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo in muddo ah hakad ku jiray, ka dib marki la isku afgaran waayay.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in maalinta Isniinta dib u furmi doono shirka maamul u sameynta labada gobol, iyadoo uu socdo diyaar garow ku aadan sidii wajiga labaad ee shirka loo sii wadai lahaay.

C/raxmaan Odawaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa lagu wadaa in horaanta todobaadka soo socda uu tago Jowhar, si uu u furo wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo hakad ugu jiray markii odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay qaadaceen fadhigi Jowhar

Warar qaar ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay inay dedejiso dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo ay guuldareysteen dadaalo la doonayay in qaar ka mid ah odayaasha reer Hiiraan ee diidan shirka Jowhar lagu qanciyo inay ka qeyb galaan shirkaas

Dadaaladii uu waday Urur Goboleedka IGAD ayaa fashilmay, iyadoo Odayaasha dhaqanka uu hoggaamiyo Ugaas Xasan ay ku adkeysteen in aanay Jowhar tageyn, isla markaana aysan marnaba ogolaan doonin in Hiiraan lagu daro Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale,Odayaashii dhaqanka ee ka soo jeeday Hiiraan ee bishii Maarso dowladda heshiis la gaartay ayaa la filayaa inay Jowhar tagaan, si ay uga qeyb galaan furitaanka wajiga labaad ee shirka oo u gudbi doona heerkiisa dhinaca siyaasada iyo xareynta ergooyinka.

April ayay aheyd markii dib loo furay shirka Jowhar, balse waxaa uu u socon waayay caqabado ka dhashay diidmada odayaasha dhaqanka reer Hiiraan, lama oga sida dowladda ku socodsiin karto shirka furmaya todobaadka soo socda, iyadoo ay maqan yihiin qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee reer Hiiraan, kuwaasoo horay u qaadacay shirka Jowhar, haddana an la hubin in ay imaanayaa iyo in kale.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment