2976 Views

Somaliland oo caddaysay in aysan shaqa ku lahayn wixii ka soo baxay Madasha

Somaliland oo caddaysay in aysan shaqa ku lahayn wixii ka soo baxay Madasha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 10, 2016: Shirki shalay magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay ee ku saabsanaa madasha Wadatashiga Qaran oo Todobaadkan ka socday Muqdisho ayaa go’aanada qaar ee ka soo baxay shirkaasi waxaa ka soo horjeestay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliland.

Xildhibaanada lagu magacaabo Qadro Axmed Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Soomaaliland ayaa sheegtay in Soomaaliland aysan u qalmin in lala meel dhigo maamulada kale ee dalka ka jira.

Waxa ay sheegtay in Madaxda dowladda ay dhowr jeer oo hore ay kala hadleen in aan meel cidlo lagu dhumin xaqa Soomaaliland ay ku leedahay dowladda cusub ee soo socota.

Xildhibaanad Qadro Axmed Ibraahim ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in aysan quseyn qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Somaliland oo qolqolka gadaashiisa ayada oo ku qarsan doonayso in ay qayb ka qaadato wixi ka soo baxay Madasha, ayad mooda in ay rabto in gacan gaar ah wax lagu siiyo.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment