3303 Views

QASWADAYAASHI QABRIGOODI QOTAY-Qalinki Axmed Calasow

QASWADAYAASHI QABRIGOODI QOTAY-Qalinki Axmed Calasow
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 20, 2016: Qaswadayaashi oo qaaday tallaabo ay aad ugu fashileen kana bixsay sawirki dhabta ahaa oo ku kooban inay yihiin dad aan lagu arag mid-mid dhaama oo isku wada aragtiya ama ku socda hal aragti uu soo jeediyay mid ka mida inta kalena aysan ka fiirsan natiijada ka soo bixi karta talaabada ay u qaadeen dhanka Hiiraan. Socdaalka ay ku tageen B/Weyne wuxuu qeexay inay yihiin dad ka arradan xagga aqoonta iyo isatrateejiyo siyaasadeed.

Bal aan ka bilawno xagga aqoonta… yaa lagu tilmaami karaa aqoonyahan ama qof cilmi leh oo wax taqaan. Mowduucaan aad ayey u faaqideen culumada cilmi nafsiga ( educational psychology experts) waxayna tacriifta aqoonta ku soo koobeen hal ku dheg ah ( education is change in behaviour) aqoontu waa tan beddesha hab-dhaqanka qofka ee ma ahan ninka qaata shahaado tan ugu sareysa oo ah PhD hadduusan lahayn caqli ku hogaamiya waddada ugu sahlan una wanaagsan in loo maro si loo gaaro danta iyo goolka la rabo. Waxaa la isku raacay in nin caqli gaaban (dabbaal) uu shahaaddo sare qaadan karo hadduu barto muqararka ku qoran buuga… laakin uma dhaqmi karyo sidi qof caalim ah ama (intellectual) waxaana tusaale cad u ah kuwa sita derejada Doktor, oo tiro ahaan aan yareyn, in hab-dhaqankooda aad u liito.

Qaswadayaasha waa laga waayay mid aqoon wax ku maamula ama u fikira sidi qof wax baratay, kaddib markii ay isku raaceen inay tagaan B/Weyne oo ay weydiistaan Ugaaski inuusan oggolaan in la dhiso dowlad goboleed Hiiraan iyo Sh/Dhexe..iyagoo hamigoodu yahay inay Madaxweyne Xasan Sheikh wax ka halley karaan. Inay yihiin dad aad u aragti gaaban waxaa markhaati ka ah khudbadaha ay meesa ka akhriyeenh waxay codsadeen isla hal qodob oo yatiim ah oo ay aad ugu celceliyeen kaasoo ah in dib loo dhigo dhisidda Maamul Goboleedka cusub si aysan ugu soo biirin barlamaanka soo socda…waxay garan waayeen iyaga oo dhan in laba goorahaanba ay xildhibaano ka imaanayaan labadaas gobol tiradey doonaan ha ahaadeen.

Nasiib darrada heysata Somaliya waa in dad noocaas ah oo heerkooda aqooneed iyo kan wadaninnimo aad u hoseeyo ayaa qorasheynaya inay dalkaan Madaxweyne ka noqdaan. Waxaa intaas u dheer iyagoo ka khatarsan cadaw kasta ee dalkaanu leeyahay, waayoo dhulkay kula wadaagaan, jisniyadina waa sheegahaayaan iyagoo aad u neceb in wax horumar ah uu dalkaani gaaro.

Waxay aad uga xanaaqeen dicaayado fara badanna ka faafiyeen jidadki la xiray maalmo dhaweyto iyagoo iska dhigaaya dad shacabka u hadlaya ama u gargaaraya, laakin iyagu waxay rabeen, sida la sheegay, inay dhacaan qaraxyo oo dad badani ku waxyeeloobo si loogu eedeeyo Madaxweynaha dadka qaar waxay ku leeyihiin inay Ciidi ay ka khasaartay Qaswadayaasha waayoo wixi ay filaayeen ma dhicin.

Waxaa loo baahan yahay in dadweynaha ku nool dalkaan siiba caasimadda inay afka furtaan oo ay kuwan qaska wada runta u sheegaan, kuna dhegaan nabadda iyo horumarka hadda soo bilawday inaysan naga qasin iyagoo danahooda fiirsanaaya.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa kamid ah inay badankoodu ka yimideen hal dal oo ay sitaan baasabor isku mid ah, hamigooduna yahay inay dalkaan ka ridaan dhibaatooyin baaxad weyn si ay doorashada u baaqato, iyagoo fulinaaya aragtida Shabaab oo fikradaan ay la wadaagaan. Kuwa isku magacaabay isbaheysiga waxay u adeegaan afkaar ka soo baxday cadawga Somaliya oo ka shaqeynaya inaan wax dowlad la yiraahdo aysan dalkaan ka hirgelin, waana tan ay qaswadayaashu ku howlan yihiin habeen iyo maalin…waryaa u sheega inaan ka soo gudubnay heerkaas oo maanta la wada garawsaday in dowlad xumi ay dhaanto dowlad la’aan,

Inta maanta hardameysa oo raadinaaya inay jagada ugu sareysa dalka qabtaan kuma jiro hal qof oo la baratami kara Xasan Sheikh, waxaase fiicnaan lahayd in la qabto doodo ay ku baratamayaan murashixiinta iyo Madaxweyne Xasan markaasaa la arki lahaa inaan weli lahayn mid isaga dhaama ama gaari kara herkiisa wadaninnimo, aqooneed iyo biseyl siyaasadeed oo aad uga sareeya kan qaswadayaasha oo dhan. Ummdda Allaha tuso in murashaxiinta badankooda aysan ka guuleysan karin Xasan Sheikh ee ma heli doonnaa barlamaan u bisil siyaasadda oon LAALUUSH KU SHAQEYN!!!

ALLAHAYOW SHARTA QASWADAYAASHA NAGA XIJAAB!!!

Xigasho: http://www.shaaciye.com/

Waxaa Qoray: Axmed Calasow

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment