4692 Views

Doorashadu ha ka dhacdo B/weyne iyo Jowhar

Doorashadu ha ka dhacdo B/weyne iyo Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL| September 26, 2016 – Isbahaysiga Isbadal Sameynta Soomaliyeed ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray go’aanka ay faafiyeen Gudiga Doorashada Dadban ee Federaal (FIAT) iyadoo uu dhaleeceeyay go’aanka ah in Murashaxiinta Xildhibaan iyo Aqalka Sare ee 2016 lagu soo doorto Muqdisho, iyadoo isbahaysigu u arkayo in loogu daneynayo Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Murashax Madaxweyne 2016.  Isbahaysiga ayaa ku baaqay in aan lagu degdegin maamul sameyn gacan ku rimis ah oo Jowhar laga sameeyo taasoo sababi karta maamul kale oo looga dhawaaqo B/weyne taa badalkeedna dib u heshiisiin la  sameeyo iyo mideyn labada dadaal ee maamul sameyn.

Isbahaysiga Isbadal Sameynta Soomaaliyeed

Coalation for Change (C4C)

Warxafaadeed

Doorashadu ha ka dhacdo B/weyne iyo Jowhar

Muqdisho | 26-September-2016 – Isbahaysiga Isbedel Samaynta wuxuu  mar kale ku celinayaa baqiisii ahaa in xildhibaanadda kasoo jeedda deeganadda Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe lagu soo xulo magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar.

Isbahaysigu wuxuu aaminsan yahay in soo xulista xildhibaanada ay ka dhacdo deegaanadda ay ka soo jeedaan ay xoojinayso sharciyadda iyo matalaadda xildhibaanka, islamarkaana waxay isku dhowaynaysaa xiriirka xildhibaanka iyo dadkiisa.

Waxay kaloo arrintani fududeynaysaa hawlaha loojistikada, waxaan suuragal ahayn in ergooyinka laga soo daabulo deeganadoodii lana keeno deegaano kale.

Waxay booqashadii uu Isbahaysigu ku tegey magaalada Beledweyne ee Hiiran iyo shirarka isbarbar socda ee ka dhacaya Beledweyne iyo Jowhar cadayn u yihiin  in doorashadu ka dhici karto Beledweyne iyo Jowhar.

Isbahaysigu wuxuu  ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalata faragelinta joogtada ah ee uu Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ku hayo isagoo adeegsanaya Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Dadban ee 2016ka go’aan ka gaarista  halka lagu qabanayo doorashada dadban ee xildhibaadda Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Isbahaysigu wuxuu ku talinayaa in go’aan ka gaarista  lagu saleeyo rabitaanka shacabka iyo maamulka labada gobol.

Wuxuu Isbahaysiga ugu baaqaya IGAD, beesha caalmak iyo hay’adaha ku howlan maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe  in la mideeyo labada shir ee ka kala socda Beledweyne iyo Jowhar.

.

.

.

By C/qaadir Maxamed Caanooy (Barnamij)
Gudoomiyaha Xisbiga Kulan 
Xiriiriyaha Isbahaysiga Isbadal Sameynta Soomaaliyeed. (C4C)

____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment