3045 Views

Cali Khaliif oo sheegay inay isaga baxayaan wada hadalka au kula jiraan somaliland

Cali Khaliif oo sheegay inay isaga baxayaan wada hadalka au kula jiraan somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 2, 2016: Dr. Cali Khaliif Galeyr, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, ayaa sheegay inay isaga baxayaan wada hadalka ay kula jiraan Maamulka Somaliland, hadii aysan joojin waxa uu ugu yeeray fara felin iyo kala qeybin ay ku wadana dadka reer Khaatumo.

Galeyr, ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn inuu ku biiro maamulka Somaliland, waxaana uu beeniyay warar soo baxayay oo sheegayay inuu ka mid noqonayo maamulkaastaas oo bili dambeeyay afka lagu hayay.

“War aniga meeshaas waxba kama rabo, waxba kama noqonayo, nimankaas fara gelin bey nagu hayaan, siyaasiyiinteena, odayaasheena iyo dadkeena ayay kala qeybinayaan”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

Waxaa kale ee uu sheegay inuu iska diiday inuu ka qeyb galo shirka ka socdo Burco oo uu ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo beesha Dhulbahante ee degta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn sida uu yiri.

Wada hadalo u dhaxeeyay labada maamul, Somaliland iyo Khaatumo ayaa dhowaan bilowday, waxaana wada hadaladan looga gol lahaa, sidii meesha looga saari lahaa xiisadaha soo noq-noqday ee labada dhinac u dhaxeeya iyo in dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen, ayada oo an la isku xad-gudbin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment