4761 Views

Magacyada Musharaxiinta ku tartamaya Kuraasta Aqalka Hoose ee maanta lagu dooranayo Cadaado

Magacyada Musharaxiinta ku tartamaya Kuraasta Aqalka Hoose ee maanta lagu dooranayo Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 16, 2016:  Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah ay ka dhaceyso Cadaado doorashada illaa sagaal kursi oo ka tirsan Aqalka Hoose, kaasoo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah oo isugu jira Xildhibaano hore, kuwo xilal haya iyo kuwo kale.

Inkastoo labadii maalmood ay hakad ku jireen doorashooyinkii Aqalka Hoose sababo ku aadan is qab qabsi iyo khilaafaad ka taagnaa habka ay u socoto doorashada ayaa Guddiga doorashada waxaa uu sheegay in la xaliyay.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa sheegay in doorashada ay bilaaban doonto 9-ka subaxnimo, isagoo ugu baaqay dhamana Musharaxiinta soo buuxiyay liiska inay waqtiga ilaaliyaan.

Doorashada ugu adag ee isha lagu haayo ayaa dhex mari doonta Siyaasiyiin caan ah, Ganacsato iyo xubno siyaasada ku cusub.

1– Beesha Waceysle, Cali Gaaf ayaa waxaa ku tartamaya Eng. C/llaahi Cali Xasan oo ahaa Agaasimihii Hey’adda CED, Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim oo ah Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada iyo Fowziyo Xasan Abukar oo horay uga soo shaqeysay Xafiiska UNSOM.

2- Kursiga labaad Beesha Waceysle, Marooyin Axmed Yuusuf Guuleed oo Ganacsade ah iyo Ganacsadaha caanka ah C/llaahi Cali Axmed oo loo yaqaano Caddow Cali Gees oo horay Xildhibaan u ahaa.

3- Kursiga 3aad Murusade Habar ceyno Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo horay Wasiir uga soo noqday Xukuumadihii dalka soo maray, isla markaana ahaa Xildhibaan 8-dii sano ee u dambeysay iyo Axmed Mukhtaar Maxamuud.

4- Murusade – Habar Ceyno:- Maxamed Maxamuud Guure, Zakariye Maxamed Cosoble, C/qaadir Nuur Caraale iyo C/qaadir Gaafow Maxamuud.

5- Murusade – Habar Adinle:- Xuseen Qaasim Yuusuf iyo Shire Macalin Gaab

6- Duduble – Maxamed Camal:- Maxamed Cilmi Afrax, Bootaan Ciise Caalin, Cabdulle Faarax Xirsi iyo Cali Sheekh Yaasiin Fadhaa

7- Murusade – Sabti- Abakar:- Xasan Macalin Maxamuud, C/qaadir Xuseen Maxamuud iyo C/fataax Cali Xasan

8- Duduble Awr-wadeen:- Maxamed Cabdulle Faarax Geesey, Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye

9- H/gidir- Saruur:-  Cawil Maxamed Siyaad, Xaawo Kiin Maxamed Cali iyo Xirsi Aadan Rooble

Waxan idin xasuusinayna in Musharaxiinta u tartamaya Kuraasta Aqalka Hoose ee beelaha ay ka soo jeedaan ay ku jiran xubno xilal ka hayay Maamulka Galmudug iyo Guddoomiyeyaal degmo ka tirsan Gobolka Banaadir.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment