4782 Views

Caqabad ka hor-timid Isbaheysigii Shariif iyo Farmaajo iyo 3 musharax oo diiday + Fursadda Xasan

Caqabad ka hor-timid Isbaheysigii Shariif iyo Farmaajo iyo 3 musharax oo diiday + Fursadda Xasan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Februray 7, 2107 – Qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay go’aankii ay ku midoobeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Farmaajo.

Isbaheysigan ayaa dhigayey in Shariif uu qaato madaxweyne, halka Farmaajo la siinayo ra’iisul wasaare.

Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame, Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo C/qaadir Cosoble Cali ayaa ka horyimid qorshaha musharixiinta qaar ay ugu dhawaaqeen inay yihiin isbaheysi cusub.

Saddexdan musharax ayaa la sheegay inay ka muuqato kalsooni gaar ah, oo aysan jirin sabab ay ugu biiraan musharaxiin kale, ayaga oo aaminsan inay kaoso gudbi karaan ugu yaraan wareegga kowoaad.

Arintaan ayaa fursad u noqon karta Xasan Sheikh Maxamuud, maadaama si Xasan xilka looga tuuro ay muhiim tahay in dhammaan musharaxiinta kale ay midoobaan, si codadkoda xildhibaanada taageersan ay saameyn u yeeshaan.

Sidoo kale arintaan ayaa dhabarjab weyn ku noqoneyso isbaheysiga cusub ee Farmaajo iyo Sheikh Shariif, maadaama saddexda musharax ee diidan isbaheysiga ay yihiin kuwa saameyn leh oo haysta taageerada xildhibaano badan.

Magaalada Muqdisho oo beri ay doorasho ka dhaceyso ayaa waxaad moodaa inay dadka xitaa dhagaha kor utaagayaan, waxaana xalay hoteelada qaar la sheegay inaan laga seexan kulamada dhacaya awgeed.

Isbaheysiga isbadal doonka oo muddooyinkii ugu dambeeyay isku duubnaa ayaa waxaa soo kala dhex galay kala qeybsanaan cusub, taasi oo fursad siineysa Xasan Sheikh oo markii horeba ay kasoo horjeedeen.

.

.

Xigasho: Caasimada Online

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment