4968 Views

Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa gubay guryo ay lahaayeen shabaab + Sawiro

Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa gubay guryo ay lahaayeen shabaab + Sawiro
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Koonfur Galbeed iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab uu ka dhacay deegaan kuyaala inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Qansax Dheere.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa dowlada Federaalka ay horkacayaan Wasiiro iyo saraakiil weerar ku qaadeen goobo ay ku tuhmayeen in ay joogaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Koofur Galbeed Cabdulle Isaaq ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Qansaxdheere ku dileen 7-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab tiro kalana nolosha ku qabteen.

Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Dowlada ayaa la sheegay intii howlgalka uu socday in ay gubeen guryo la sheegay in ay degnaayeen xubno katirsan Al Shabaab oo kuyaalay deegaanka uu ka dhacay dagaalka.

Al Shabaab ayaa wali ku xoogan deegaanada uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowlada ayaana marar badan ku guul dareestay in Al Shabaab kala wareegaan deegaano wali gacantooda ku jira.

qansax_2 qansax_3 qansax_4 qansax_5 qansax_6

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment