7524 Views

VOA – Wareysi Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale

VOA – Wareysi Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale
____________________________________________________________________________

Waan soo dhaweyneynaa ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee Ceelbuur oo dilay 120 shacab ah intii ay joogeen…

Ceelbuur | April 4, 2017 – Ciidamada ayaan wax horumar ah ka sameyn intii ay joogeen ka bixitaankooda nooma sheegin iyaga oo baxaya ayaan aragnay waana ku fraxsan nahay in ay faarujiyaan dagmada

Al-Shabaab ayaa Gudaha u galay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugnaa.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo VOA u hadlay ayaa sheegay inaysan garaneyn sababta ay ciidamada Ethiopia uga baxeen magaalada balse ay soo dhaweynayaan in ceelbuur laga waayo Askari Ethiopian ah .

Nuur Xasan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan bixitaanka ciidamada Ethiopia, oo uu ku eedeeyey in intii ay magaalada joogeen ay wadeen xadgudubyo iyo dilal ka dhan ah shacabka oo gaaraya ilaa 120 qof .

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-Shababa ee la wareegeen gacan ku heynta magaalada waxaana la socday qaar ka mid ah shacabkii horey uga qaxay magaalada ee raacay Shabaabkii ka baxay.

Waxa uu sheegay in maamulkiisa uu hadda ku guda jiro iskuna diyaarinayo inuu magaalada dib u qabsado.

gudoomiayaha ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay ku jireen intii ay ku sugnaayeen dagmada ceelbuur xaalad go.doon ah waxaana biyaha iyo raashinka loogu keeni jiray diyaarado

Ethiopia  ayaa wado  qorshe ay ku fashilineyso Dowladda Soomaaliya

Wariyaha VOA Jacfar Kukay ayaa arrintan ka wareystay guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale.

Bartamihii bishii September ee sandkii hore ciidammada Itoobiya waxay banneeyeen deegaanka Moqokori ee isla gobolka Hiiraan iyadoo markiiba ay qabsadeen Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya waxa ay ka guureen tuulooyinka Rabdhuure, Buur dhuxunle, iyo Garasweyne oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool.

Dhinaca Galgaduud Itoobiyaanku waxay sanadkii hore ka guureen Galcad iyo Budbud.

Ma jiro war ka soo baxay saraakiisha AMISOM iyo kuwa Itoobiya ama kuwa Soomaalida oo ku aadan ka bixitaankoodii saaka ee Ceelbuur iyo kuwii ka sii horeeyay ee tuulooyin ka tirsan gobolada Hiiraan Galgaduud iyo Bakool.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment