4083 Views

DAAWO SAWIRADA:-Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho

DAAWO SAWIRADA:-Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay  Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  06, 2017 —Qaraxan Shalay gelinkii dambe ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa ka dhashay miino lagu soo xiray gaari uu la socday Gudoomiyaha Jaamacadda Horseed, C/kariin Sheekh Maxamed.

Qaraxan waxaa uu haleelay gaarigaasi, xilli Gudoomiyaha Jaamacadda Horseed uu maraayay xaafadda Taleex, iyadoona uu Gudoomiyuhu dhaawac culus ka soo gaaray qaarka hoose.

Gudoomiyaha Degmada Hodan, Axmed Salaad Ibraahim ayaa sheegay in qaraxaasi lagu soo xiray gaarigii gaarka ahaa ee Gudoomiyaha Jaamacadda Horseed.

Gudoomiyaha, ayaa xusay in dhaawaca C/kariin Sheekh Maxamed la dhigay Isbitaalka Daaru Shifa oo ku yaala Wadada Maka Al Mukarama. Mar uu ka hadlayay dhaawaca soo gaaray waxaa uu ku sheegay in hal lug uu ku waayay qaraxaasi.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida, ayaa sheegay sababta loo beegsaday C/kariin Sheekh Ibraahim in loo maleynayo, isagoo la shaqaynayay mid ka mid ah Hay’adaha Turkiga ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa la xusuustaa in daba yaaqadii bishii hore ee April ay soo saareen digniin adag, oo ku aadan Jaamacadaha iyo Iskuulada Magaalada Muqdisho ku yaala. Shabaabku waxay amrayn in la joojiyo luqadaha qalaad ee lagu bixiyo duruusta

 

Macalinka-Horseed Macalinka-Horseed1 Macalinka-Horseed2

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment