3594 Views

DAG-DAG :-Qarax Xoogan Oo Goordhow Muqdisho Ka Dhacay

DAG-DAG :-Qarax Xoogan Oo Goordhow Muqdisho Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  0, 2017 —Qarax Gaari ayaa goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan ka soo horjeedka Shaneemo Soomaali, sida uu soo sheegayo Wariye halkaasi ku sugan.

Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jira bur bur xoogan oo soo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Goobjooge halkaasi ku sugan ayaa Q.O.L u sheegay Qaraxan in uu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaaray dad halkaasi ku sugnaa.

Ilaa hada lama oga Qaraxan in uu ahaa mid Ismiidaamin ah, iyo in uu ahaa Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo halkaasi la soo dhigay.

Gaadiidka Gar gaarka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka qaadayaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay xireen wadada, iyaga oo dadka u diidaya goobta uu Qaraxa ka dhacay.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment